Jamhuuriyadda Somaliland waxay meel marisay Barnaamijka Dibu-Habaynta Maamulka iyo Maaliyadda ee (PFM), qaybaha dibu-habaynta lagu sameeyey waxa kamida hanaanka loo raaco miisaaniyadda samaynteeda iyo ku dhaqankeedaba, dakhli kordhinta, kharash bixinta dawlada oo loo adeegsanayo hanaanka is wada (Automate system), kor u qaadista awooda wax soo saar ee hawl-wadeenada xafiisyada Dawladda. Barnaamijkani wuxuu horumar ka gaysan doonaa kor u qaadista awooda wax soo saar ee Dawladda, u adeegsiga lacagaha si haboon, iyo sidoo kale ka midha-dhalinta qorshaha horumarinta Qaran ee (NDPII), iyo hiigsigiisa 2030-ka (its vision 2030). Barnaamijkani wuxuu inaga caawinayaa sidii looggu adeegsan lahaa maaliyadda si ay ka muuqato daahfurnaan iyo isla-xisaabtan buuxa, si loo helo kalsooni buuxda oo lagu qabo Dawladda.
Wasiir Dr. Sacad Cali Shire
Wargeyska Danjire waa xogside saddex bilood ah oo soo bandhigta waxqabadyadii iyo dhacdooyinkii wasaaradda ee saddexdii bilood ee u dambeeyay .....
Read More
Ujeedada u muhiimsan ee laga leeyahay dejinta Siyaasadda Dhaqaalaha Guud iyo Maaliyadda ayaa waxa ay ahayd in la qeexo siyaasadaha dawladda ee maaliyadeed iyo lacageedba iyo in aragtisaadaalineed laga yeesho...
Read More
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waajibaad-keedu waa mid dastuuriya, waxaanay shaqadeedu tahay dajinta iyo maaraynta Miisaaniyad iyo kharashaad ku haboon ilaha maaliyadeed ee Dawlada. Waxay sidoo kale masuul katahay hubinta habsami u socodka midaamka maaliyadeed ee ay u idmantahay, iyo waliba kor-joogtaynta iyo xisaab-celinta kharashaadka Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladu galaan.
Email: [email protected]
Lambarka:
+252 2 513856
Address:
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
Shacabka, Waddada Madaxtooyada
Hargeysa, Somaliland